Shir Lagu Heshiisiinayo Laba Beelood Oo Maalinkii Labaad Ka Soconaya Gobolka Hiiraan

0

Waxaa maanta oo sabti ah magaalada baladweyne ka furmay  wajiga labaad shir loogu heshiisiinayo laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaanka harcadey ee hoostaga magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

Shirkaan wajigiisa koowaad oo uu shalay furay madaxweyne ku xigeenka hershabeele ayaa waxa laiskugu keenay labada beelood ,Waxaana labada dhinac  laga dhageystay dhibaatooyinka ay kala tabanayaan iyo sidii ay wax u dheceen

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka hiiraan oo la hadlay simba ayaa waxa uu sheegay in maantay ay maalintii labaad la fariisteen labada beeleed islamarkaasna ay rajeynayaan in halkaasi lagu soo afjaro colaada beelaha iyo cabashooyinka ay kala sheeganayaan

Waxaana uu tilmamay in guddiga dhexdhexaadinta   iyo maamulku ay  shirka beelaha  wadaan guullo wax ku oo laiskugu soo dhaweynayo labada beelood la gaaray

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in wali labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaankii ay ku dagaalamaeen ciidamada dowladda oo maamulku gobolka hiiraana ay ku dhexjiraan cid talaabo qaadi kartana aysan jirin

Shirkaan ayaa waxa uu imaanayaan xili dagaal xoogaan oo udhexeya laba maleeshiya beeleed uu dhawaan ka dhacay deegaanka harcadey oo 6 km u jira degmada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

Waxaana joojinta dagaalkaasi ku guuleystay maamulka gobolka hiiraan iayadoona maamulku haatan uu wado dadaalo lagu soo afjarayo colaada beelahaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here