Waxaa maanta oo sabti ah magaalada baladweyne ka furmay wajiga labaad shir loogu heshiisiinayo laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaanka harcadey ee hoostaga magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan
Shirkaan wajigiisa koowaad oo uu shalay furay madaxweyne ku xigeenka hershabeele ayaa waxa laiskugu keenay labada beelood ,Waxaana labada dhinac laga dhageystay dhibaatooyinka ay kala tabanayaan iyo sidii ay wax u dheceen
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka hiiraan oo la hadlay simba ayaa waxa uu sheegay in maantay ay maalintii labaad la fariisteen labada beeleed islamarkaasna ay rajeynayaan in halkaasi lagu soo afjaro colaada beelaha iyo cabashooyinka ay kala sheeganayaan
Waxaana uu tilmamay in guddiga dhexdhexaadinta iyo maamulku ay shirka beelaha wadaan guullo wax ku oo laiskugu soo dhaweynayo labada beelood la gaaray
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in wali labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaankii ay ku dagaalamaeen ciidamada dowladda oo maamulku gobolka hiiraana ay ku dhexjiraan cid talaabo qaadi kartana aysan jirin
Shirkaan ayaa waxa uu imaanayaan xili dagaal xoogaan oo udhexeya laba maleeshiya beeleed uu dhawaan ka dhacay deegaanka harcadey oo 6 km u jira degmada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan
Waxaana joojinta dagaalkaasi ku guuleystay maamulka gobolka hiiraan iayadoona maamulku haatan uu wado dadaalo lagu soo afjarayo colaada beelahaasi

