Ciidanka Nisa Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Hiiraan

0

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee nisa ayaa waxa ay saacadiihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada baladweyne ee gobolka hiiraan

Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ujeedkoodu uu ahaa dagaal ka dhan ah xubnaha dagaalamayaasha ee ku sugan magaalada baladweyne iyo deegaanada hoosyimada iyo sidii loo xaqiijin lahaa amaanka deegaanada dhaca gobolka hiiraan

saraakiisha dowladda ee hogaamineysan howlgalka ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada dowladdu ay ka hortagayeen xoolo iyo lacag oo lagu magacdaray sakawaad oo dadka shacabka ah ay ka qaadayaan xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

waxaana ay intaasi ku dareen in howlgalada goobihii laga sameeyay ay iskaga baxsadeen al-shabaab kadib markii ay ka war heleen in ciidmada dowladda ay kusoo wajahanyihiin

saraakiisha ciidanka nisa ayaa waxa ay xaqiijiyeen in howlgalada ay sii wadidoonaan tan iyo in laga xaqiijinayo amaanka islamarkaasna mar walba ay sameynayaan howlgalo looga hortagayo dadka doonaya in ay ku kacaan falalka amniga ka hor imaanaya

xaalada magaalada baladweyne ayaa mudooyinkii dambe daganayd iyadoo habeenada qaar ay jireen weerar bambaanooyin ah oo lala beegsado fariisimaha ciidamada dowladda magaalada baladweyne

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here