Waxaana la filayaa in magaalada jabuuti ee caasimada wadanka jabuuti ay ka dhacdo caleemasaarka madaxweynaha wadankaasi ismaaciil cumar geele oo markale la doortay
wufuud ka socota dowladda faderaalka soomaaliya oo uu hogaaminayo raiisul wasaare maxamed xuseen rooble ayaa gaaray magaalada jabuuti iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweyay halkaasi islamarkaasna masuuliyiintii jabuuti kusoo dhaweysay uu ka mid ahaa raiisul wasaaraha jabuuti
waxaana wafdigaan ka socda dowladda soomaaliya u jeedka safarkoodu uu yahay ka qeyb galaan caleemasaarka islamaciil cumar geele madaxweynaha la doortay dalkaasi jabuuti
Raiisul wasaare rooble wafdiga masuuliyiinta ku wehlinayay waxaa ka mid ah wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumada fadraalka soomaaliya marwo khadiija maxamed diiriye
saacadaha fooda inagu soohaya ayaa waxa lagu wadaa in xafladu ay si rasmi ah uga furanto magaalada jabuuti iyadoo ay xusid mudantahay in xalafada caleemasaarka madaxweyne ismaaciil cumar geele in lagu casuumay masuuliyiin iyo madax sare oo ka kala socda wadamada afrika iyo kuwa caalamkaba

