Ciidamada Dowladda Oo Raadinaya nin lagu Tuhmayo In uu Sheikh Caana Ku Dilay Gaalkacyo

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay  baadigoobayaan ugu jiraan nin lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka alaha unaxariistee cali dheere

Waxaana booliska soomaaliya ay sheegeen in  Eedaysane Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan oo baxsad ah islamarkaasna looga shakisanyahay dilka sheikh cali dheere at ku raad joogaan

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka booliska soomaaliya ayaa waxa lagu ogeysiiyay shacabka soomaaliyeed in ciidamada dowladda gacan laga siiyo soo qabashada ninkaasi eedeysanaha ah islamarkaasna waxa laga cod saday in eedeysanahaan oo sawirkiisa lasoo bandhigay in qofkii arkaa uu soo wargalinayo ciidamada amaanka

Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo Deegaanada Soomaali Galbeed, waxaa laga Codsanaya in ay nagala qeyb qaataan baadi-goobka eedeysanaha.

Cidii aragta ha la xiriirto Nambarka gaaban ee Booliska oo ah 991 ama Baraha Bulshadda ee Booliska Federaalka Somalia.

warkaan kasoo baxay ciidamada booliska soomaaliyeed ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili habeeno ka hor magaalada gaalkacyo lagu dilay sheikh cali dheere oo ka mid ahaa culumada ugu caansan gobolka mudug islamrkaasna ay dilkiisa ka caroodeen dadka shacabka ah kuwaasi oo dibadbaxyo waaweyn oo ay dhigeen kadib  dowladda ka dalbaday in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka sheikh cali dheere oo xarun agoonta wax lagu baro kulahaa gaakacyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here