Ciidamada yahuuda ayaa weerar madaafiic ah waxa ay ku garaaceen masjidka barakeysan ee al-aqsa ee ku yaal dhulka falastiiniyiinta iyadoo weerarkaan uu ka dhashay khsaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Wararka ayaana sheegaya in gantaalada ay ciidamada yahuudu ku tuureen dhulka barareysan ay burbur xoogleh soo gaar siisay masjidka al-aqsa iyo hareerihiisa
arintaan ayaana waxa la sheegay in ay timid kadib markii difaacayaasha falastiiniyiinta ay gantaalo ku garaaceen caasimada israaiil ee dhulka yahuuda
waxaana ay ciidamada yahuudu dhankooda weerareen madaafiic ku garaaceen goobaha barakeysan ee uu ku yaal masjidka al-aqsa
inta la xaqiijiyay in ka badan 50 qof oo shacab muslimiin falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday masjidka al-aqsa iyo goobaha u dhaw waxaana sidookale ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan oo muslimiin ah
dowladdo muslimiin ah oo ay ugu horeyso dowladda turkiga ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday masjidul aqsaa

