Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii Diplomacy ee ay la leheed dowladda Kenya ka dib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al cadaala oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in iyada oo la ilaalinayo daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go’aankaan.
waxaana uu sheegay in dib loo soo celiyay xiriirka soomaliya iyo kenya ka dhexeeyay iyasgoo xusay in aysan wax sameyn ah ku yeelan doonin kiiska bada oo uu halkaasi yahay kiiskaasi
waxaana si caadiya ku soo laabanaya xiiradii dhanka iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhxeyay somaliya iyo kenya

