Barqanimadii maantay askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxa uu wiil dhalinyaro mootoole ah uu ku toogtay agagaarka isgooska exkoontarool afgooye ee duleedka magaalada muqdisho
Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa waxa uu yimid kadib uu muran xoogan soo kala dhexgalay askariga iyo wiilka
Waxaana ay ku murmeen 2 kun oo shilin Soomaali ah
Intaasi kadib Askariga ayaa rasaas ku furay wiikaan oo watay mootada laba lugooleeyda ah ee loo yaqaan feykoonta
Iyadoo la tilmaamay in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhilinyarada
Ilawareed iyo ku sugan goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in askariga ciidamada dowladda ee dilka geeystay uu fadhiyay barkoontarool
Waxaana wiilka dhalinyarada ah la weydiiyay 5 ku oo shilin Soomaali ah
Waxaana uu dhiibay 3 kun
Askariyaana amray in lacagta uu soo dhameystiro iyadoona wiilku la sheegay in uu damcay in uu la gogortamo askariga balse markii ay murmeen uu si bareer ah u toogtay
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib ay dadka shacbka ah ee ku dhaqan hallkaasi ay bilaabeen bananbaxyo balaaran balse ay ciidanka dowladda rasaas ay ku kala eryeen
Askarta dowladda ayaa inta badan ayaa mar marka qaar dadka shacabka iyo dhaliyarada mootooleyda ah ku dila muqdisho iyo duleedkeeda
Waxaana la sheegaa in ay ku dilaan muran soo kala dhaxgala owgeed

