warar lagu kalsoonan ayaa waxa ay sheegayaa in madaxweynaha puntland uu saacadaha soo socda uu ku wajahanyahay magaalada nairobi ee caasimada dalka kenya
safarka madaxweynaha puntland saciid cabdulahi dani ayaa waxa xaqiijiyay xubno saraalkii ah oo u dhaw madaxtooyada puntland ,waxaana ay sheegeen in maantay oo khamiis ah uu madaxweynuhu usafrayo dalka kenya
Xubnha Saraakiisha ah waxa faahfaahin ah kama aysan bixin ujeedka uu madaxweynaha puntland ugu safrayo gudaha wadanka kenya
Dhankale madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland Guy Griffin.
War qoraalka oo kasoo baxay madaxtooyada puntland ayaa lagu shaaciyay kulanka madaxweyne dani iyo xubnaha ka socday qaramada midoobe
Waxaana la sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya iyadoo la tilmaamy in kulanka uu ka qeybgalay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

