Al-Shabaab Oo Weeraray Deegaan Ay Saacado Ka Hor La Wareegeen Ciidamada Galmudug

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud  ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaan saacada ka hor ay gacanta ku dhigeen  Ciidamada maamulka Galmudug

Weerar oo la sheegay in uu ahaa mid kedis ah ayaa waxa lagu qaaday  saldhig ciidamada daraawiishta maamulka galmudug ay ku sugnaayeen oo kuyaal deegaanka Cadakibir ee hoos taga degmada Cadaado .

Al-shabaab ayaa oo weerarkaan uga hadlay baraha dhinaca interneetka ay ku leeyihiin waxa ay ku sheegteen masuuliyada weeararkaan waxaana ay sheegeen in weerar khsaare geeystay ay ku  qaaday  ciidamada maamulka galmudug islamarkaasna ay gacanta ku dhigeen saldhig boolis deegaanka cadakibir
Al-shabaab waxa ay intaasi ku dareen weerarkaan ay ku dileen ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidanka maamulka Galmudug.

Deegaanka Cadakibir ee weerarku ka dhacay ayaa ku dhow degmada Cadaado ee bartamaha dalka Soomaaliya, habeen ka hor ayay al-shabaab galeen
deegaankaan balse ciidamada maamulka galmudug ayaa dib u qabsaday xalay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here