Raiisul wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta dowlada faderaalka soomaaliya ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynihii hore dalka ahna gudoomiyaha midowga musharaxiinta Shariif Sheikh Axmed
Kulanka Oo ahaa mid gaar ah oo ka dhacay mid ka mid ah hoteelada kuyaal muqdisho ayaa waxa looga hadlay xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalka iyo sidii loo amba qaadilahaa arimaha doorashooyinka
kulanka kadib waxa warbaahinta la hadlay ahayeenka xukuumada xil gaarsiinta maxamed ibraahim macalimuu kaasi oo ka warbixiyay kulankaan iyo waxa uu ku saabsanaa
waxaana uu sheegay in raiisul wasaaraha iyo madaxweyne shariif ay kawada hadleen sidii looga shaqeyn lahaa arimaha cakiran ee dalka gaar ahaana dhinaca amniga
isagooo sheegay Raiisul wasaare rooble dhankiisa cadeeyay in ay xukuumadu diyaar utahay in dalka doorasho nabdoon ay ka dhacdo taasi oo xor iyo xalal ah islamarkaasna ay doonayaan in ay la fariistaan cid walba oo ay quseyso doorashada dalku
madaxweyne shariif sheikh axmed ayaa waxa uu dhankiisa soo dhaweeyay dadaalada xukuumadu ay wado waxaana uu tilmaamay in kaliya ay sugayaan in doorasho la qabto taasi oo ah mid lais la ogolyahay

