Wararka ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay xalay gudaha ugaleen deegaanka cadkibir oo dhanka bari kaga beegan degmada Cadaado
Wararka ayaa sheegaya in al-shabaab ay rasaas ku galeen deegaanka cadakibir oo qiyaastii 50km u jira degmada Cadaado
Waxaana lasoo warinayaan in rasaastaas ay ka dhalatay qasaare kala duwan oo iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac
Qaar kamid dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday rasaas lagu furay deegaanka cadakibir ee gobolka galgaduud
Shaqsiga dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Farxaan muudey
Iyadoona la tilmaamay in dad badan oo ka mid ah dadka shacabka deegaanka ay goobta iskaga baxsadeen
Al-shabaab ayaa inta badan deegaanada gobolka galgaduud ka fuliya weeraro qorsheysan kuwaasi oo ay ku beegsanayaan masuuliyiin iyo dadka xirriirka la leh dowladda

