Wararka ka imaanaya degmada Raaga Ceelle ayaa sheegaya in saaka aroortii hore dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen guri uu deganaa sarkaal katirsan ciidamada dowladda.
Weerarkaan oo ahaa mid geeystay qasaare kala duwan ayaa waxa la sheegay in lagu dilay sarkaalkii la weerar ee ka tirsanaa ciidamada dowladda
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan waxaana ay sheegeen in ay
ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray Jilcane
al-shabaab oo weerarkaan uga hadlay barahooda dhinaca in terneetka yaa waxda ay sheegeen in qasaaro xoogleh ay ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda ay ka gubeen laba gaari oo nuucoodu ahaa NOHA.
Al-shabaab ayaa intaas ku daray in weerarka ay qaadeen ay soo furteen hub iyo rasaas uu lahaa sarkaalka la dilay.

