Laba wiil oo soomaali ah ayaa waxa saacadiihii lasoo dhaafay lagu dilay magalaada Kansas ee gudaha dalka mareeykanka
Mid ka mid ah Dadka soomaalida ah ee ku nool mareykanka ayaa waxa uu sheegay in dilka labadaan wiil uu ka dambeeyay walalkooda oo isaguna soomaali ahaa
Waxaana la sheegay in dilka wiilasha soomaaliyeed uu dhacay kadib markii ay kasoo laabteen masjidka iyadoona wiil walalkooda ahaa la tilmamaay in uu gurigooda hortiisa kudilay
Ciidamada booliska magalaada Kansas ee dalka mareykanka ayaa goobta ku toogtay wiilkii soomaaliga ahaa ee dilay walaalihiis kadib markii la sheegay in ciidanka uu la dagaalamay islamarkaasna uu diiday in uu isdhiibo
Sarkiisha ciidanka booliska mareeykanka ayaa intaasi ka dib bilaabay baaritaano kala duwan oo ay ku ogaanayaan sababta rasmiga ah ee keentay in dhacdadaani
waxaana la tilmaamay in falkaan uu daba socdo dhacdo hore oo ceeji lagu dilay hooyadii dhashay wiilasha la dilay islamrkaasna isla gurigooda lagu dilay
inta badan gudaha dalka mareykanka ayaa waxa lagu dilaa muwaadiniinta soomaaliyeed iyo dadka muslimiinta ah
waxaana dilaalkaasi geeystaa dad cadaan ah oo dadkaan kasoo horjeeda

