Midowga Murashaxiinta ayaa waxa ay uga digeen guddoonka iyo xildhibaanada golaha shacabka in ay qaadaan talaabo sababay qalalaasihii amni iyo siyaasadeed iyo in ay mar kale dalka fidno u horseedikarta. Wuxuu Goluhu ku baaqayaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday faraha kala baxo amniga iyo doorashooyinka dalka, Villa Somaaliyana baneeyaa. Waa in uu RW hoggaaminta amniga iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyadana ku taageeraan.


