Maleeshiyaad Hubeysan Oo Gaari Ku Rasaaseeyay Deegaanka Ka Tirsan Galgaduud

0

wararka ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay gaari dad shacab ah saarnaayeen ay ku rasaaseeyeen deegaanka xananbuure ee gobolka galgaduud

maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay ahayeen kuwa habeeleed u abaabulan oo beel kale isku heystay dhul daaqsimee iyo ceelal biyoodyo

waxaana la sheegay in xalay ay ka shakiyeen gaari dad shacab ah wateen oo deegaankaasi marayay islamarkaasna ay rasaas ooda kaga rogeen

intaasi kadib ciidamo ka tirsan dowladda ayaa kusoo baxay ,waxaana ay maleeshiyaadka ku amreen in hubka ay dhigaan waana ay diideen iyadoo halkaasi isku rasaaseeyeen ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadkii hubeysanaa

wararka ayaa sheegaya in qasaare xoog leh oo ka dhashay israsaaseentaasi ,waxaana la tilmaamay in ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah

inta la xaqiijiayay laba qofood oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay manajirto wax qasaara ah oo labada dhinac soo kala gaartay

dowladda ayaa ciidamao kala dhaxdhigtay beelo dhawaan ku dagaalamay deegaanka xananbuure ee gobolkaasi galgaduud oo inta badan ay kusoo laablaabtaan dagaal beeleedyadu

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here