Xukuumada Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Ka Shiray Xaalada Amniga Dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  kulan ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimadda muqdisho la yeeshay musharaxiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah  hogaamiyaasha dowlad goboleedyada.

masuuliyiintii kulanka ka qeyb gashay waxa ka mid ahaa raiisul wasaare rooble  madaxweynayaasha galmudug  iyo hirshabeele iyo xubno ka mid ah midowga musharaxiinta

Kulanka oo ka dhacay hoyaga uu muqdisho ka daganyahay madaxweynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor  ayaa waxa diirada lagu saaray dajinta xaalada  amniga Caasimadda  iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa,waxaana la sheegay in kulankaani uu ahaa mid uu dalbaday raiisul wasaare maxamed xuseen rooble

wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada soomaaliya cabdiraxmaan yuusuf al cadaala oo ka warbixiyay kulanka kadib ayaa waxa uu sheegay in kulanka looga hadlay in laga  wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September.

waxaana ay isla garteen sidii  wada jir looga hor tagi lahaa waxkasta oo keenikara qalqal amni iyo xasilooni daro

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here