Ciidanka Xoogga Dalka oo Sameeyay howlgalo Qoersheysan ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaasi qasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaal Ka tirsanaa al-shabaab oo ku sugnaa tuulada ugunji oo hoostagta degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose.
Ciidanka ayaa sheegay in ay ka warheen in tuuladaasi ugunji ay joogaan xubno katirsan al-shabaab kuwaasi oo janaale umaleegayay dhibaatooyin balse ciidanka ayaa sheegay in durbadiiba ay kubaxeen waxaana halkaasi ay tilmaameen in ay ku dileen 11 xubnooda oo ika tirsana al-shabaab, iyadoo intaasi ku daraya in ay dhaawaceen 15-kale
sidookale ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in halkaasi kugubeen gaari cabdibile ah oo uu saarnaa qori dhashiiko ah oo ay wateen al-shabaab Sida warbaahinta dowladda ay usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee kusugan degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose.
Saraakiisha ayaa intaasi kudaray inuu jiro qasaare intaasi kabadan oo ay gaarsiiyeen dagaalamayaahsa al-shabaab balse ay dib kasoo sheegi doonaan
Waxaana warkasoo baxay dowladda lagu sheegay in ciidanka ay weli kujiraan hwolgalada islamarkaasna ay ku baadi goobayaan xubno ka tirsan al-shabaab oo ka baxsaday sida ay sheegeen.
