Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Soo Dhaweeyay In Lagu Laabto Shirkii Afisiyooni

0

Madaxweynihii hore ee dalka xasan sheikh maxamuud ayaa waxa uu si qoto dheer ugu hadlay  dajinta xaaladii colaadeed ee  muqdisho iyo ku dhawaaqidiii dowladda eek u saabsaneyd in dalka ay ka dhacdo doorasho

Madaxweyne xasan sheikh ayaa marka hore soo dhaweeyay talaabada ay qaadeen madaxda dalka oo uu ugu horeyo raiisul wasaaraha xil gaarsiinta oo go,aan saday in lagu laabto doorashadii dad baneyd ee heshiiskii 17 semtember

Waxaana uu tilmaamay in ay taageerayaan in laga shaqeyo ilaalinta nabada  iyo in wax walba lagu dhameeyo  wada hadal

Madaxweyne xasan sheikh ayaa waxa uu ugu baaqay in ciimadu ay qaataan awaamiirta raiisul wasaaraha islamarkaasna ay gutaan waaji baadkooda

Raiisul wasaare rooble iyo madaxweynayaasha  galmudug iyo hirshabeele ayuu uga bahad celiyay go,aanka geesinimada ee ay ugu tureen shacabkooda isagoo xusay in go,aankaasi  uu yahay mid taariiqi ah

Dhankale madaxweyne xasan sheikh ayaa waxa uu ku taliayay in lagu laabto shirkii afisiyooni si xalwaara looga gaaro arimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan isaga oo sheegay in horay ay uga digeen in ciidanka la siyaasadeeyo oo colaad sokeeye loo horseedo dalka islamarkaasna ay ku baaqeen in lagu dhaqmo sharcityada iyo dastuurka dalka

Ugu dambeyntii madaxweyne xasan ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay dajinta xaaladii kacsaneyd ee magaalada muqdisho iyo in dibloogu laabto wadahadalada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here