Wasaarada caafimaadka xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay shaacisay tirade kiisaskii ugu dambeeyay ee caabuqa karona virus laga helay dalka
Waxaana wasaaradu ay sheegtay in 48 saac ee ugu dambeeysay cudurka covid-19 laga baaray dad gaaraya 1282
Wasaarada caafimaadka ayaa waxa ay sheegtay in 142 qof si rasmi ah looga helay cudurka
Puntland: 97
Somaliland: 28
Hirshabelle: 8
Banadir: 6
Konfurgalbeed: 2
Jubbaland: 1
Lab: 88
Dhedig: 54
Dhimasho: 4 (Somliland: 2, Puntland:2)
Bogsashada: 65
Tirada Guud ee Laga Helay: 13,812
Bogsashada Guud: 5,744
Dhimashada Guud: 702
Sidii caadada aheyd wasaarada caafimaadka soomaaliya ayaa waxa ay soo saartay degniino la xariira cudur iyo in laga feejignaado
Waxaana dadka shacabka ah ay ugu baaqday in ay qaadaan talaabooyinka caafimaad ee lagu yareynayo faafitaanka cudurkaan iyadoona wasaaradu ku celcelisay in halista cudurka wali ay jirto islamarkaasna loo baahanayahay in dadka soomaaliyeed ay ka taxadaraan

