Dowladda Soomaaliya Oo Dalal Shisheeye Ku Eedeeysay Dagaaladii Muqdisho Ka Bilowday

0

Xukuumada soomaaliya oo ka hadashay dagaaladii iyo rabshadihii ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxa ay cadeysay in ay ku lug lahaayeen dowlado shisheeye

wasiirka amniga Xukuumada soomaaliya xasan xundubey jimcaale oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in dowladdo shisheeye oo ay ogyihiin ay ka dambeeyeen dagaaladii foosha xumaa ee xalay ilaa shalay ka socday muqdisho

waxaana uu sheegay in dadka shacabka uu ugu baaqayo in aysan ka qeyb qaadan dagaaladaan oo sheegay in ay yihiin kuwa lasoo xawilay oo shihseeye loogu shaqeynayo

wasiir xundubeeyay ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan dalaaliin soomaaliyeed oo waxyar oo nacfi ah ka raadinaya dagaalada ay soo  xawileen dowladaha shisheeye oo iyagu ujeedooyin gaar ah ka leh

wasiirka amniga ayaa intaasi ku daray in dagaaladaan lasoo raray ladoonayo in lagu hor istaago nabada iyo dowladnimada ka jirta soomaaliya islamarkaasna dowlado shisheeye ay rabaan in danahooda ka gaaraan dalkaan

ugu dambeyn wasiirka amniga soomaaliya ayaa waxa uu qof kasta oo muwaadin soomaaliyeed ah ugu baaqay in uusan faraha la galin dagaalada ay soo abaabulayaan dalalka shisheeye

waxaana uu tilmaamay in shacabka soomaaliyeed ay soo arkeen burbur iyo dagaal waxa uu yahay haatana loo baahanayahy in nabada iyo xasiloonida laga shaqeeyo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here