Waxaa saakay xasilooni laga dareemaya magaalada caasimada ah ee muqdisho oo ay shalay ilaa xalay ku dagaalamayeen ciidamo ka tirsan milataliga soomaaliya oo ka goodsan muddo kordhinta dowladda iyo Amniga dowladda
bilowgii dagaaladaan ayaa waxa ay yimaadeen kadib markii ciidamo ka tirsan milatariga soomaaliya ay kasoo ruqaansadeen shabeelaha dhexe islamarkaasi ay sheegeen in ay ka careysan yihiin madaxweyne farmaajo iyo muddo kordhinta loo sameeyay iyagoo sheegay in ay qabsadeen qeybo ka mid ah muqdisho
dhankooda ciidaqmada dowladda ayaa weerar kala hortagay ,waxaana taasi ay keentay in ilaa iyo xalay dagaalo kala duwan ay ka bilowdeen xaafado ka tirsan muqdsho
goobaha lagu dagaalamay waxa ka mid ah isgoosyada fagax ,sanca iyo mirinaayo xalayna waxa lagu dagaalamay isgooska kM4 ,Dabka iyo howlwadaag
dagaaladaan oo khasaare kala duwan ay ka dhasheen ayaa waxa laga gaaray heshiis hordhac ah kadib markii raiisul wasaaraha xukuumada xil gaarsiinta maxamed xuseen rooble xildhibaano ka tirsan labada aqal ee dowladda ay wadahadal la bilaabeen odayaasha dhaqan iyo xubnaha musharaxiinta mucaaradka ah
waxaana wararku ayaa sheegayaan in xubnaha mucaaradka ay dowladda ka dalbadeen in ciidamada la kala qaado si dagaalka loo qaboojiyo waana lagu guuleeystay arintaasi
raiisul wasaare rooble ayaa waxa uu sheegay in waxa kaliya ee haatan u furan uu yahay wadahadal islamarkaasna ay doonayaan ka shaqeynta amniga caasimada oo aad u xumaaday saacadiihii lasoo dhaafay

