Ciidamada amaanka dowlad Goboleedka Puntland oo saacadiihii lasoo Dhaafay howlgallo Qorsheysan ka sameeyeen duleedka magaalad Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen keyd dagaalamayaasha al-shabaab ay ku laheen deegaanada buuraleyda gobolka bari
Puntland ayaa sheegtay in keydkaasi ay aheeyeen maadooyin laga sameeyo walxaha Qaraxyada, islamarkaasna ay tilmaameen in al-shabaab ay ugu keedsanaa Godad ay ka qoteen buuralayda Galgala.
Ciidamada puntland ayaa sheegay in xogtaan ay usoo gudbiyeen dadka shacabka, taas oo suurtagalisay in ay ciidamada ka howlgalaan islamarkaasna ay ku guulaystaan in ay ka hortagaan qaraxyadaasi.
Amaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan, waxaan joogto laga dhigay howlgalada ciidamada Amniga ay ka sameenayaan gudaha iyo duleedka magaalada Boosaaso.
Dhowr jeer oo hore al-shabaab iyo ciidamada puntland ayaa dagaalo qaraar ku galay deegaanada buuraleyda ah
Waxaana labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen dagaaladaasi oo qasaaro badan dhaliyay
Madaxweynaha puntland ayaa horay laamaha amniga puntland ku amray in howgalada deegaanada puntland la kordhiyo kadib falal amnidaro oo ka dhacay magaalada boosaaso

