Phil Jagielka : Xulka England waxa ay Gaari Karaan Meel Wanaagsan Ciyaaraha Uero 2016

0

Kaptan ku xigeenka xulka dalka England Phil Jagielka ayaa aaminsan in tayo wanaagsan ay leeyihiin xidigaha xulka dalka England taasina ay ka dhigan tahay in ay gaari karaan meel wanaagsan ciyaaraha  uero 2016

Xulka dalka England ayaa xalay ka adkaaday xulka dalka Lithuania kadib markii ay kaga adkaadeen 3:0 ciyaar ka dhacday dalka Lithuania waana Bandhigooda Ugu wanaagsan xulka

Goolasha waxaa kala dhaliyay xidigaha Ross Barkley iyo Alex Oxlade-Chamberlain’s iyo Gool uu iska dhaliyay xidiga Giedrius Arlauskis

Xulka dalka Ingiriiska ayaan wali laga adkaanin ciyaaraha isreebreebka Uero 2016 waana xulkii ugu horeeyay ee usoo baxa ciyaaraha Uero 2016 oo dalka France lagu Marti Galin doono

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here