War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlada Jubaland waxaa lagu soo dhawaynayay dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021, kaasi oo lagu cambaareeyay muddo kordhintii loo sameeyay ha,adaha kala duwan ee dowladda
Jubbaland waxa ay cadeeysay mowqifkeeda ku aadan arimaha cakiran ee dalka waxaana ay sheegtay in ay aaminsanahay in heshiiskii doorashada ee Sebtember 17 uu yahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo.
Waxaana maamulka juubaland uu si aad ah u taageeray dadaalada ay wadaan saaxiibada beesha caalamka ee lagu doonayo in dalka ay doorasho ka dhacdo oo dowladdu ay muddo kordhinta ka laabato
Dowladda soomaaliya shalay warkasoo baxay ayay ku cambaareeysay qodobo labo ah oo kasoo baxay midowga nabada iyo amaanka midowga afrika
Qodobadaasi oo ay ku jiraan in wax laga sheego oo la dhaleeceeyo go,aankii barlamaanka soomaaliya ee aqalka hoose uu muddo kordhinta ugu sameeyay dowladda

