Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu Dilay Wadanka koonfur Afrika

0

Kooxo burcad  koonfur afrikaan ah ayaa waxa xalay muwaadin soomaaliyeed ku dileen gudaha dalka koonfur afrika

Muwaadinka soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxa uu ka mid ahaa dadka soomaaliyeed ee ku ganacsata gudaha dalkaasi koonfur afrika

Waxaana la sheegay in xalay rag hubeysan ay ugu soo galeen dukaankiisa oo uu ku ganacsanayay islamarkaasna ay rasaas ugu dhifteen qeybaha kore ee jirkiisa sidaasna uu ku geeriyooday

Wiilka soomaaliyeed ee la dlay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi ,waxaana xalay lagu dilay goob ganacsi oo ku taal  deegaanka Khayelitsha Ee Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur

Qaar ka mid ah ganacsatada soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfur afrika ayaa waxa ay sheegeen in xalay loo dhacay dukaan ay lahaayeen dhalinayo soomaaliyeed islamarkaasna ay weerar ku qaadeen rag burcad badan oo hubeysan

Waxaana ay xaqiijiyeen in burcadaasi ay dileen wiilka soomaaliyeed  islamarkaasna dhankooda lagu dilay rag burcada

Ciidamada booliska koonfur afrika ayaa dilka kadib la sheegay in goobta ay soo gaareen iyadoona ragii burcada ahaa ay baxsadeen

Mudooyinkii dambe waxaa soo banayay dilalka muwaadiniinta soomaaliyeed loogu geeysanayo dalka koonfur afrika mana jirto wali wax laga qabtay arintaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here