Dacwada Rag Loo Heysto Dilkii Gudoomihii Degmda Hodan Oo Maanta La Dhageysanayo

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee soomaliya ayaa maanta oo santi ah waxaa lagu wadaa in ay u fadhiisato dhageeysiga maxkamadeynta  rag lagu soo eedeeyay dilka gudoomihii hore ee degmada hodan cabdiraxiin dhaga juun

fadhiga maxkamada ee maanta waxa ka qeyb galaya eheladda marxuunta saraakiil ka tirsan maxkamada ciidamada iyo dadkale oo iyagu doonaya ka qeyb galka dhageysiga dacwada

Gudoomihii hore ee degmada hodan cabdiraxiin dhaga juun ayaa u geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda xili habeen ah oo uu marayay isgooska howlwadaag ,waxaan axiligaasi ay tariikhdu ku beegneyd 21/1/2021

dowladda ayaa dhacdadaasi uu ku geeriyooday gudoomiyihii degmada hodan u xirtay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska degmooyinka gobolka banaadir iyo ciidamadii lagu tuhunsanaa in falkaani ay si ula kac ah ugeysteen

dacwada ayaa maanta la filaya in si rasmi ah ay u bilaabato iyo ehelada marxuunku ay dalbadeen in cadaalad laga siiyo dadkii ka dambeeyay dilka gudoomihii degmada hodan dhaga juun

Horay xer ilaalinta qaranka ayaa sheegtay in si kas ah loo dilay gudoomihii degmada hodan cabdiraxiin dhaga juun islamarkaasna dalbadan in la dadajiyo kiiska dacwada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here