dablay hubaysan ayaa barqadii maanta xaafadda Haantadheer ee degmada Hodon ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa loo yaqaan Gorgor.
ilo wareedyo ayaa simba u xaqiijinaya in sarkaalka ladilay laga furtay qori Ak47 iyo booshkiisa,
dad goobjooyal ah oo an la xariirnay ayaa inoo sheegay askariga la dilay uu marayya xaafada haanta dheer iyagoona dilkaasi sheegay in ay geesteen kooxo ku hubaysan bistoolado.
dablaydii dilka gaysatay ayaa sidi caadada aheed dilka ka dib goobta isaga baxsaday waxaana goobta gaaray ciiddamo ka tirsan booliska soomaaliya.iyagoona halkaasi ka qaaday maydka marxuumka .waxaana ilaa haatan wadaan baaritaano kala duwan ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkaasi gaysatay.
dhinaca al shabaab ayaa ka hadashay askariga maanta dilka loogu geestay xaafada haanta dheer ee magaalada mugadisho waxayna war ay ku soo qoreen barahadooda internetka ay ku shaaciyeen in ay ku sheegteen masuuliyada askarigii dilka loogu geestay degamada hodan.iyagoona intaasi ku daray in dilka ka dib ay horay u sii qaateen qorigii uu watay askariga dilka loo geestay.
dilkan ayaa ku soo aadaaya xili magaalada mugadisho ee caassimada dalka uu amnigeedu faraha ka baxay iyadoona afar iyo labaatankii saac ee ugu danbeeyay lagu dilay 3 qof oo isugu kjira askar shacab masuuliyiin iyo waliba dad magac iyo mansab ku leh bulshada gobalka benaadir haba ugu danbeeyee dr buurane oo saacadihii an soo dhaafnay lagu dilay degmada hodan ee gobalka benaadir.

