warar inaga soo gaaraya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda saacadiihii aan soo dhaafnay ay howlgalo balaaran kasameeyeen deegaano ka tirsan degmada marka ee magaalo madaxda shabeelaha hoose
Howlgaladaan oo ahaa ku amniga lagu xaqiijinayay ayaa waxa la sheegay in laga fuliyay deegaanada kala ah Gaarilow, Farange iyo Shufeyri oo dhamaantood dhaca duleedka magaalada Marka
Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada marka ahna taliyaha nabad sugida degmadaasi maxamed xasan oo howlagaldaan hogaaminayay ayaa waxa uu sheegay in howlgaladaan u jeedkoodu uu ahaa sii looga hortagi lahaa weerarada al-shabaab ay dadka shacabka usoo maleeganayaan iyo xaqiijinta amaanka magalaada marka iyo deegaanada hoosyimaada
waxaana uu intaasi ku daray in ciidamada dowladda ay howlgaladaan ay sii wadi doonan inta amniga laga xaqiijinayo iyadoo ay xusid mudantahay an la sheegin cid lagu soo qabtay howlgaladaan ka dhacay duleedka magaalada marka
inta badan ciidamada dowladda ayaa howlgalo ka dhan ah al-shabaab waxaa ay ka sameeyaan deegaanada shabeelooyinka ,waxaana howlgaladaasi ay saraakiisha dowladdu ku macneeyeen in ay kaga hortagayaan falalka amni xumo

