Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka koonfur galbeed oo todobaadkan ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta sedaxaad ciidanka amisom sarakiil ka socday dowlada ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga koonfur galbeed.
Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo lagula dagaalamayo al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah degaanada koonfur galbeed iyo sidii loo kordhin lahaa howlgalada lagaga hortago qaraxyada iyo sii looga hortagi lahaa waxyaabaha kale ee aysoo maleegalayaan waxa ay ugu yeeraan argigixisada
waxaana ay cadeeyeen in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay ku hor istaagaan dhibaatooyinka dad shacabka ku nool gobolada baay,bakool iyo shabeellaha hoose lala damacsanyahay .
qaar kamid ah saraakiisha laamaha amniga ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee ramadaan
Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa umahadceliyey sarakiisha laamaha amniga waxaana uu tilmaamay sida ay shacabka iyo dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee qeybaha kala duwan ciidanka, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey saaxibada soomaaliya dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo hormarada dowlad goboleedka KG ku tilaabsatay, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan iyo Shacabka.

