Tiro hoobiyayaal ah ayaa goordhaweyd lagu weeraray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Hoobiyayaasha oo gaaraya ilaa 5hoobiyaye ayaa la sheegay in ay ku dhaceyn xaafaddo ku dhow xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa la sheegay in hoobiye kale uu ku dhacay guri ku yaala Degmadda Boondheere.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyayaasha lagu weeraray Madaxtooyadda Soomaaliya.
Dhowr jeer oo hore Alshabaab ayaa hoobiyayaal ku weeraray Villa Soomaaliya,qaarkood ayaa geystay khasaare kala duwan.

