Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Garoonka Diyaaradaha shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi ka kasocda dowladda faderaalka ah oo ay Hogaaminaysay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
ujeedka Socdaalka Wafdigan ayaa ah sidii Koonfur Galbeed loso gaarsiin lahaa Deeq ka timid Walaalaha Sacuudi Carabiya.
Gargaarkaan la gaarsiinayo deegaanada koonfur galbeed ayaa waxa uu imaanayaa xili mudooyinkii dambe ay halkaasi ka jireen abaaro ba,aan iyo go,doon ay ku jireen deegaano ka tirsan kuwa uu ka arimiyo maamulka koonfur galbeed
Dowladda caalamka iyo dowladda faderaalka soomaaliya ayaana sheegay in ay ka jawaabayaan dhibaatada dhanka nolosha ee lasoo gudboonaatay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada ay abaaburu saameeyeen

