Wasaarada caafimaadka xukuumada soomaaliya Ayaa waxa ay shaacisay tirada kiisaskii ugu dambeeyay ee 48 saac ee lasoo dhaafay laga helay dalka
waxaana ay sheegtay wasaaradu in la baaray dad gaaraya 1,671 iyadoona si rasmi ah shaacisay in cudurka covid19 laga helay 245 qof
wasaarada ayaa tilmaantay deegaanada ay kala joogaan dadka cudurka uu soo ritay
Puntland: 111
Somaliland: 78
Jubbaland: 15
Hirshabelle: 14
Banadir: 14
Galmudug: 13
Lab: 156
Dhedig: 89
Dhimasho: 10 (Somliland: 8, Puntland:2)
o Bogsashada: 107
Tirada Guud ee Laga Helay: 13,324
Bogsashada Guud: 5,518
Dhimashada Guud: 678
Wasaarada ayaa sidii caadada aheyd dadka ugu baaqday in ay ka taxadaraan khatarta cudurka safmarka ah ee covid19 oo dalka kusoo laba kacleeyay,waxaana ay sheegtay in loo baahanahay in dadku ay qaataan talaalka iyo talaabooyinka caafimaad ee looga hortago cudurkaani
wasaarada ayaa si aad ah fariin ugu dirtay dadka kudhaqan gobolada dalka oo cudurku hada si aad ah ugu kacsanyahay in ay sameeyaan waxkasta oo lagu yareynayo faafinta cudurkaan dunida aa feeyay

