Dowladda Oo Sheegtay In uusan Waxba Iska Badalin Go,aankii Muddo Kordhinta

0

Dowladda faderaalka ayaa biyo qaboow ku shubtay wararka sheegaya in laga laabanayo muddo kordhintii ay meel mariyeen xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka soomaaliya

waxaa aytilmaantay in aysan waxba ka jirin in dowladdu ay kalaabaneyso go,aankii mudda labada sano ah loogu daray ha,adaha kala duwan ee dowladda

wasiirka arimaha dibada xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed cabdirisaaq maxamuud oo wareysi sii nayay laanta afka soomaaliga ee Bbc da ayaa waxa uu sheegay in dowladdu aysan marnaba kalaaban doonin talaabadaasi  isagoo xusay in go,aankaasi uu yahay howlo  baarlamaani ah oo uyaal barlamaanka

wasiirka ayaa cadeyay in ilaa iyo hada aysan jirin wax isbadalay oo ku saabsan go,aankii muddo kordhinta ahaa ,waxaana uu adkeeyay in go,aankaasi barlamaanka uu yahay mid la qaatay oo aan waxba iska badaleynin

sidookale wasiirka arimaha dibada soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dhaxdhaxaadinta uu bilaabay midowga afrika ,waxaana uu sheegay in aysoo dhaweynayaan talaabadaasi oo uu madaxweyne farmaajo ka dalbaday gudoomiyaha midowga afrika Felix Tshisekedi in uu wax un kala fududeeyo wada hadalada madaxda dowladda iyo xubnaha mucaaradka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here