Al-shabaab ayaa Sheegay in ay la wareegeen Deegaano hoos yimaadda Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, ee Dowladd Goboleedka Galmudug.
Sawirro ay soo bandhigeen Shabaab ayay ku sheegeen in Deeganadda lala wareegay ay horey ugu sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,balse haatan ay soo gashay gacanta Xarakadda Al-shabaab.
Saraakiil ka Tirsan Al-shabaab ayaa gaaray Deegaanadda hoos yimaaddo Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ay Shabaabka la wareegeen,waxayna khudbado ay u jeediyeen dadka Deegaanka.
Bacaadweyne waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaallo khasaara badan dhaliyay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka oo dhinac ah iyo Al-shabaab.







