Maxweyne Dani Oo Hortagay Xildhibaanada Puntland Iyo Saxaafada oo Banaanka Loo Saaray

0

waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka xildhibaanada barlamaanka maamulka puntland oo maanta loo balansanaa in uu hortago madaxwenaha puntland saciid cabdulahi dani

kulanka markii uu furmay kadib oo uu soo galay madaxwene dani ayaa waxa banaanka loo saaray saxaafada ,waxaana gudoomiyaha golaha wakiilada puntland uu sheegay in kulanku uu yahay mid wadatashi ah sidaas darteena la amray in xildhibaanada iyo madaxweynaha oo kaliya ay iskusoo haraan

Madaxweyne dani iyo xildhibaanada  ayaa  kulankaan oo albaabada loo xiray waxaa la sheegay in ka wada tashanayaan arimo kusaabsan xaalada guud ee dalka safarkii madaxweyne dani iyo waxyaabaha uu kala soo kulmay

wararka ayaana sheegaya in marka hore madaxweyne dani uu xildhibaanada warbixin kasii nayo safarkii uu ku tagay magaalada muqdisho iyo fashilkii ku yimid shirkii arimaha doorashooyinka dalka

intaasi kadib waxaa la filayaa in wada tashidheer kadib lasoo saaro warmurtiyeed ku qotoma qowqifka puntland arimaha muddo kordhinta dowladda iyo waxa ay ka qabto in dalka ay doorasho ka dhiciweysay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here