Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegtay In Aysan Weerar Ku Aheyn Taliye Saadaq Joon

0

Xukuumada Xil gaarsiinta Faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay cabsi dagaal oo xalay markale laga dareemay iyo tuhunjiray oo ku aadanaa in dowladdu ay weerar ku tahay taliyihii hore ee qeybta guud ee   ciidanka booliska gobolka banaadir saadaq joon

Wasiirka amniga xukuumada soomaliya xasan xubdubeey jimcaale ayaa waxa uu sheegay in aysan waxba ka jirin in dowladdu ay qorsheynayso in ay weerarku qaado taliye saadaq joon

waxaana uu tilmaamay in hadii dowladdu ay arinkaasi dooneyso ay mar horeba ay talaabo ka qaadilaheyd taliye saadaq joon oo fariisin ka dhigtay xaafada  shiirkole ee magaalada muqdisho

wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray in aysan jirin wax faaiido ah oo dowladda ugu jirta weerarka saadaq joon islamarkaasna ay jiraan dad warar been ah ka faafiya dowladda oo sheega in dowladdu ay duulaan ku tahay taliye saadaq joon

wasiiraka ayaa cadeeyay in shiirkole ay daganyihiin dad shacabka oo nabada jecel aysana jirin wax dowladda ku qasbaya in ay weerarto.

sidookale waxa uu wasirka amniga xukuumada xilgaarsiintu uu sheegay in dowladda uu xilgooni ah ka saaranyahay ilaalita nabadgalyada ,waxaana uu ugu baaqay dadka colaada hurinaya in ay ka waantoobaan arinkaasi oo ah wax fool oo aysan dani ugu jirin

ugu dambeyntii wasiirka amiga ayaa kula dardaarmay xildhibaanada kala qoqobka wada in aysan siyaasadeyn ciidanka dowladda oo dhiig badan uu sheegay in uu usoo daatay isku keenidooda

hadalka wasiirka ayaa waxa uu imaanaya xilli cabsi xoogan oo dagaal markale laga dareemay magaalada muqdisho kadib markii uu taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka banaadir ukasoo guuray hoygii uu ka dagnaa muqdisho islamarkaasna uu difaac ka kalay xaafada shiirkole

waxaana la dareemayay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay sameynayaan ciidanka dowladda shacabka magaalada muqdisho ayaana farta kuhayay wadnaha iyagoo ka baqayay in cabad iyo dagaal sokeeye uu ka qarxo muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here