Tiro Dhalinyaro Ah Oo Lagu Xiray Dhuusamareeb

0

wararka naga soo gaaraya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay hal kaasi lagu xiray masuuliyiin iskugu jiray macalimiin iyo gudoomiyaal

Ciidamada booliska magalaada dhuusamareeb ayaa xabsiga dhigay laba nin oo dhalinyaro ah kuwaasi oo kala ahaa gudoomiyaha wax barashada maamulka galmudug maxamuud axmed iyo macalin maxamed seeraar

Laamaha amniga Maamulka galmudug  wali wax faahfaahin ah kama bixin sababta rasmiga ah ee masuuliyiinta loo xiray balse waxa la sheegay in lala xiray dad gadiidley ah oo  banan bax ka dhan ah maamuulka galmudug dhigaya

gadiidleydaan ayaana ka cabanayay in lacago dheeraad ah oo lagu kordhiyay goosashada taargada gadiidka ee deegaanada galmudug

qaar ka mid ah ehelada dadka la xiray ayaa waxa lasheegay in ay ku booqdeen kaxabsiga islamarkaasna ay haatan socoto wan wan la doonayo in lagu soo daayo ragaasi

dhankale majirto wali wax war ah oo kasoo baxay wasaarada waxbarashada galmudug oo loo hadlayo xariga masuuliyiintaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here