Galmudug Oo Warkasoo Saartay Weerar Khasaare Geeystay Oo Ka Dhacay Xeebta Hobyo

0
maamulka galmudug ayaa waxa uu ka hadlay weerar askar lagu dilay oo maalmo ka hor ka dhacay inta u dhexeysa hobyo iyo ceelhuur ee gobolka mudug
Wasaarada amniga maamulka galmudug  oo war qoraal ah soo saartay ayaa cadeysay in ciidamada ilaalada bada  galmudug oo  howlgalo ku jira ay xabadeysay doon kaluumeysi  sharcidaro ka waday xeebaha galmudug taasi oo qasaaro uu ka dhashay is;lamrkaasna ay wasaaradu shaacisay in sarkaal iyo askari ay waxyeelo kasoo gaartay shaqaaqadaasi
waxaana wasaaradu hadalkeeda ay intaas ku dartay  in ciidamada ilaala badda galmudug ay iska difaaceen doontaasi
Hawlgal ciidamada Ilaalada xeebaha Galmudug ay ka sameeyeen taariikh 11 April 2021 xeebaha Badweynta Hindiya ee Galmudug ku beegan ayaa sababay in doon weyn oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaysay inta u dhexeysa Hobyo iyo Ceelhuur ay rasaas xooggan ku furtay doomihii ay saarnaayeen ciidamada marinesku halkaas oo dhaawac ka soo gaaray sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada marines-ka oo hawlgalkaas qeyb ka ahaa.
Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa oo difaacay weerarkaas ayaa ku qasbay in doontaas ay cararto halkaas weerarka ka dib.
Bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan doon laga leeyahay dalka Yemen oo si sharcidarro ah uga kaluumaysnaysay aagga xeebaha Galmudug.
Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Galmudug, isla markaana lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharcidarrada ah ee doomaha iyo maraakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha baddeena.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here