Gobolada Qaar Ee Dalka Oo Maanta Aan Laga soomin

0

iyadoo Maantay Dunida muslinka ah ay u tahay kowda bisha barakeysan ee ramadaan islamarkaasna  lasoo manyahay ayaa waxa jira deegaanada qaar ee gudaha soomaaliya  oo aan maanta laga soomin

qeybo badan oo ka mid ah deegaanada gobolka galgaduud ayaa waxa la sheegay in maanta aan laga soomaneyn iyagoona dadka halkaasi ku dhaqan oo aan maanta soomin ay sheegeen in aysan arkin bisha

waxaana xusid mudan in culumada deegaanada  guriceel xeraale iyo qeybo ka mid ah magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay in ay raadiyeen bisha balse aysan arag sidaas darteedna ay maanta dhameystirayaan 30 ka bisha shacbaan

wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay iyadu xalay sheegtay in bisha la arkay islamarkaasna ay maanta  talaado ah bisha ramadaan ay koow tahay

wararka qaar ayaa sheegaya in sidookale deegaano ka tirsan gobolka hiiraan maanta aan laga sowneyn si gaar ah waxa la tilmaamay in degmada matabaan aysan dadku kasoomin

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here