Booliska Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Askari Horay Qof U Dilay

0

Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee puntland ayaa sheegay in howlgalo balaaran oo ay sameeyeen ay kusoo qabteen askari ka tirsan ciidanka booliska bari oo horay qof shacab ah ugu dilay magaalada boossaso kadib Baxsaday

Taliyaha ciidanka booliska puntland qeybta gobolka bari xuseen cali maxamuud  ayaa warbaahinta usheegay in ciidamada ay ku geeleystaan in ay gacanta kusoo dhigaan askarigii gacn ku dhiig lahaa  ahaa ee  baxsaday markii uu dilka geystay

Taliyaha ayaa fariin dagniin ah udiray askarta ciidanka booliska ,waxaana uu sheegay in aysan aqbali doonin in askari uu shacabka dhibaateeyo kadibna uu iska baxsado

Waxaana ay wacad talisku wacad kumareen in sharciga ay horgeyn doonan qof kasta oo dhibaato ugeysta dadka shacabka ah

Taliye xuseen ayaa waxa uu warkiisa kusoo gabgabeeyay in laga gudbay xiligii askartu ay inta dil geeystaan ay baxsadaan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here