Puntland Iyo jubbaland Oo Sharci darro Ku Tilmaamay Muddo Kordhintii Dowladda Faderaalka

0

Maamulada puntland iyo jubbaland ayaa kasoo horjeestay muddo kordhintii loo sameeyay  madaxda dowladda oo waqtigoodu dhamaaday

Waxaana ay sheegeen in wixii ay sameeyeen xildhibaanada golaha shacabka aysan aheyn wax  wanaagsan oo sharci ku dhisan

Dowlad goboleedka  Jubaland  oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay mowqifkooda  ku aadan wiixii ka dhacay Golaha Shacabka

Waxaan ay cadeeyeen in xildhibaanada golaha shacabka  ee muddo xileedkoodu  dhamaaday aysan qaadin talaabo  wax sharci ah ku dhisnayn.

Jubbaland  qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in arrinkan uu yahay mid  dib u celinaya hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka.

Dhankale maamulka puntland ayaa iyaguna dhankooda  ka hadlay muddo kordhintii dowladda

Waxaana ay sheegeen in si aad ah ay uga xunyihiin wiixii ka dhacay xarunta xildhibaanada golaha shacabka

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani  ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa interneetka ku sheegay in Dowlad goboleedka  Puntland ay ka xuntahay arinta dhacday

Isaga oo intaas ku daray in ay aheyd  tillaabo sharci daro ah oo uu qaaday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS ee wakhtigu ka dhammaaday

Damaraani ayaa xusay in si rasmi ah ay mowqifkooda usoo cadeynayaan islamarkaasna ay shacabka soomaaliyeed lasoo wadagayaan waxa ka dhacay golaha shacabka  

 

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay muddo kordhinta labada sano ah oo ay uu sameeyeen ha,adaha dowladda ee waqtigoodu dhamaaday

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here