Khasaaro Ka Dhashay Weerar Ka Dhacay Degmada Balcad

0

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qasaare kala duwan geeystay oo saacadiihii aanu soo dhaafnay  Ka dhacay degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe

Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii la sheegay in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada balcad

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in weerarkaani uu ka dhashay  kadib iska hor imaad xoogan oo halkaasi ka dhacay

Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkaani ,waxaana ay sheegeen in qasaare badan ay ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda

Al-shabaaab wararka ay barahooda interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in weerarka ay ku dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda

Waxaana ay intaasi ku dareen in ay gudaha u galeen degmada balcad islsamarkaasna ay ciidanka dowladda ka furten qoryo nuucoodu uu yahay AK47 oo ilaa iyo labo gaarayay sida ay sheegteen

Al-shabaab waxaa kaloo ay sheegteen in weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ay ku lahyeen deegaanka buurane oo ka tirsan isla gobolka shabeelaha dhexe

Walow aysan faahfaahin ka bixin qasaaraha ka dhashay weerarka ay labeegsadeen saldhiga ciidamada burundi

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here