Taliska Guud booliska Gobolka Banaadir oo sheegay inay Baajiyeen kulankii maanta ee Barlamaanka

0

Taliyaha qeybta guud ee gobolka banaadir saadaq cumar sadaq joon oo shir jaraa,id qabtay ayaa waxa uu sheegay inay joojiyeen kulankii maanta ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha shacabka

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay u joojiyeen ay tahay in xildhibaanada baanadu ay damacsan yihiin muddo kororsi taasi oo uu sheegay in ay qalalaaso galintarto dalka

Waxa uu sheegay in aysan dooneyn in xoog iyo boob lagu kordhisto waqtiga balse ay rabaan in kalsooni wax lagu dhiso

Taliyaha saadaq joon ayaa dhankale uu raiisul wasaaraha ugu baaqay in amniga uu la wareego oo uu ka shaqeyo in dadku ay kala badbaadan mucaad iyo muxaafadba

Arintaan ayaa imaaneys xili maantay ay kulan xasaasi ah lahaayeen xildhibaanada Golaha shacabka kaas oo looga hadlayay arimaha doorashooyinka dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here