Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Yeeshay laamaha Amniga Dowladda

0

Raiisul wasaaraha xil gaarsiinta xumada faderaalka soomaaliya ayaa saacadiihii aan soo dhaafnay  kulamo ka qaartay laamaha aminga dowladda,waxaana ay  ka wada hadleeen arimo badan oo ku saabsan xaaladaha amniga ee dalka ka jira

Raiisul wasaare maxamed xuseen rooble ayaa marka hore  waxa uu taliyasha ciidanka ka dhageystay warbixino ku la xariira sugida amniga ,howlgalada ay wadaan ciidan u diyaar garowga bisha bareysan ee ramadaan iyo waxa kaga qorsheysan laamaha amniga

Waxaana uu raiisul wasaaruhu faray laamaha amniga in ay ka shaqeeyaan sidii dadka shacabka soomaaliyeed  ay sinabdoo ugu gudan lahaayeen  wajibaadka bisha ramadaan

Raiisul wasaare rroble ayaa waxa uu dhankale tilmaamay in muhuum ay tahay in diirada lasaaro feejignaanta dhinaca amnga

Waxaana laamaha amniga uu ugu baaqay in kulmada ay badiyaan islamarkaasna dhaxdooda ay kordhiyaan  wada shaqeynta

Dhinaca kale raiisul wasaaraha ayaa waxa uu shacabka soomaaliyeed kula dardaarmay in ay iscaawiyaan maadaama la galayo bishii kheyrka badneyd ee ramadaan

Sidookale ciidanka ayuu dhankooda u sheegay in ay gacan siiyaan dadka masaakiinta ah oo ay u shaqeynayaan

kulankaan ay wada qaateen laamaha amniga iyo raiisul wasaaraha ayaa waxa uu kusoo aadaya xili lagudo galayo bisha barakeysan ee ramadaan oo ah bil cibaado oo ka duwan bilaha kale

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here