Kooxo burcad koonfur afrikaan ah ayaa waxa ay xalay wiil dhalinyaro soomaali ah ku dilay gudaha dalka koonfur afrika
Muwaadinka Soomaliyeed ayaa waxa lagu dilay Xaafada Elsies River Ee Magaaala Cape Town dalkaasi.
Waxaana wararku sheegayaan in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen Gaariga Ay wateen marxuumka iyo 3 Wiil oo kale oo soomaali ah islamarkaasna socday wiilka la dilay xili ay marayeen Xaafadda Elsies River ee Magaalada Cape Town
Marxuunka la dilay ayaa waxa magaciisa lagu soo koobay ilyaas ,waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa muwaadiniinta soomaalieed eek u ganacsata dalkaasi
Dilka kadib waxaa goobta uu dilku uu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska dalkaasi koonfur afrika
Waxaana ay halkaasi ka bileebeen howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka ganacsadaha soomaaliyeed.
Kooxaha burcad koonfur afrikaanka ah ayaa Inta badan dilaal u geysta dhalinyarada soomaaliyeed eek u ganacsta dalkaasi
Waxaana jirin wax talaabo oo arintaasi ay dowladdu ka qaaday

