warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geeystay oo ciidamo ka tirsan dowladda lagu la eegtay degmada hiliwaa ee gudaha magaalada muqdisho
qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka ku yaal gobolkani banaadir ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miino wadada la galinayay oo lala beegsaday ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowladda
qaraxu waxa uu si gaar ah uga dhacay agagaaka hoteel guuleed halka loo garan ogyahay biyadaga hiliwaa
qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qaraxaani
waxaana dad goob joogayaal ah ay inoo xaqiijiin in qaraxa ay ku dhin teel ilaa iyo laba qof oo shacab ah oo waddada marayay sidookalana uu ku dhaawacmay qof kle
intaasi kadib ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ,waxaana halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano ka duwan oo ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.
isku socodka dad iyo gaadiid ayaa hakad galay kadib qaraxaan ka dhacay degmada hiliwaa

