Hay,ada UNHCR ayaa oggolaatay in ilaa 100,000 oo Qaxooti kuna nool xerooyinka oDhadhaab iyo Kaakumo dib loo dejiyo dalal kale, sida Maraykanka, Canada, Ethiopia iyo South Sudan.
Sida uu qorshuhu yahay Hay,ada UNHCR ayaa sheegtay in 5,000 oo Qaxooti ah dib u dajin ay ugu sameyn doonan dalka Maraykanka.
1- In 10,000 oo Qaxooti dib loo dejiyo dalka Somalia
2- In 5,000 dib loo dejiyo Ethiopia.
3- In 5,000 oo Qaxooti dib loo dejiyo South Sudan,
4- In 3,500 Qaxooti dib loo dajinayo ama looga raadinayo dalka Burundi dabayaaqada sanadkan 2021-ka.
5- In 2,500 Qaxooti Sharciga Degananshaha (Residency Status) ka heli doonaan dalalka ku bahoobay Urur-gobaleedka Bulshada Bariga Afrika ee The East African Community ee EAC, kuwaasi oo kala ah: Uganda, Tanzania. Burundi, Kenya, Rwanda iyo South Sudan.
Bayaanka kasoo baxay Ha,ada Qaramada Midoobe ee dhanka qaxootiga ayaa waaxa uu imaanaya xili dowladda kenya ay warqad ay u gudbisay Hay,ada UNHCR loo sheegay in muddo todobo bari ah qaxootiga looga saaro xiryahay kaakuma iyo dhadhaab
waxaana sidookale ka dambeysay in maxkamada sare ee kenya ay diiday in xeryahaasi laga saaro dadka qaxootiga ah

