Madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti ismaaciil cumar geele ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee ka dhacay dalka jabuuti iaydoona markaan ay u aheyd markiisii shanaad oo uu noqdo madaxweynaha wadankaasi
wasiirka arimaha gudaha jabuuti Muumin Axmed Sheekh oo ku dhawaaqay natiijada doorashadan ayaa waxa uu sheegay in ismaiil cumar geele uu helay codad gaaraya 98.41% halka uu sheegay in musharax kalana uu sheegay in uu helay codad gaaraya 1.59% .
madaxweynaha jabuuti ismaiil cumar geele oo shalay ka hadlayay sida ay u dhacday doorashada ayaa waxa uu tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabdoon islamarkaasna ay haatan sugayaan kaliya natiijada doorashada
Zakariye ismaaciil faarax oo ahaa shaqsiga kaliyah ee la tartamayay madaxweynaha jabuutiya ayaa ahaa nin ganacsade ah oo ku cusub siyaasada dalkaasi jabuuti

