Warar naga soo gaaraya degmada cadaado ee gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii aan soo dhaafnay wiil dhalinyaro ah lagu dilay cadaado.
Askari ka tirsanaa ciidamada booliska magaalada cadaado ayaa waxa lagu soo waramayaan in uu dil ugeeystay Wiil yar oo lagu magacaabo cabdiraxmaan macalin cali kaasi oo ka mid ahaa dhalinyarada xaafada
Dilka ayaa waxa uu yimid kadib markii uu askariga dilka geystay la sheegay in uu rasas ku furay meel ay ku cayaarayeen laba kooxood oo banooni ku ciyaarayeen
Wiilka la dilay ayaana la tilmaamay in uu goolhaye u ahaa koox ku ciyaareysay magaca wakaalada degmada cadaado
Intaasi kadib ciidamada booliska magaalada cadaado ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen askariigii dilka geeystay
Waxaana la sheegay in hada uu ku xiranyahay xabsiga weyn eek u yaal gudaha degmada cadaado
Maamulka degmada cadaado iyo taliska ciidanka booliskuba wali wax faahfaahin dheeriya kama bixin dilka loogeeystay wiilkaasi yar

